Ladnaan Podcast

#55: Sideen u socod siinaa wax qabadkii Ramadanka

Fatumo & Sagal Season 3 Episode 55

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeena maanta waxaan kaga hadleynaa sidee ayuu ahaa Ramadankeena, maxaa inoo suurta galay qorshihii aan sameeynay? Sideen usii socod siinaa wax qabadkii aan sameeynay? 
Waxaan kaloo idinla wadaageynaa sida ay reerka usii socod siin lahaayeen, camalada wanaagsan ay sameeyeen.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST