Xidhiidhada Nolosha Podcast
Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast. Magacaygu waa Amaal Haybe waxaan ahay tababare nololeed oo qaabilsan dhisida xidhiidhada fayow iyo kobcinta hab-fikirka togan.
Waxaan halkan kuuguso gudbin doonaa qaababka cilmiyaysan ee aad naftaada iyo dadka kaleba u la yeelan karto xidhiidh cafimaad qaba oo fayow.
Kuxidhnow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo salaasa kaste 7:00pm fiidnimo aad ka heli doontid mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada ka tirsan noloshaada iyo cafimadkaaga maskaxeed.
Dhagaysi wacan.
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Kalsooni Dhisid Q-1aad
Kalsoonidu ma wax lagusoo dhashaa mise waa wax la baran karo? Qof ka kalsoonida lihi astaamo noocma ah ayuu leeyahay. Waa maxay qeexida saxda ah ee ay leedahay kalmada 'Kalsooni' khubarada cilmi nafsiga bartayna sidee ayay u qeexaan kalmadan. Jawaabaha su'aalahan waxaad ka helaysaa xalqadan.
Dhagaysi wacan.
https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp