Xidhiidhada Nolosha Podcast
Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast. Magacaygu waa Amaal Haybe waxaan ahay tababare nololeed oo qaabilsan dhisida xidhiidhada fayow iyo kobcinta hab-fikirka togan.
Waxaan halkan kuuguso gudbin doonaa qaababka cilmiyaysan ee aad naftaada iyo dadka kaleba u la yeelan karto xidhiidh cafimaad qaba oo fayow.
Kuxidhnow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo salaasa kaste 7:00pm fiidnimo aad ka heli doontid mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada ka tirsan noloshaada iyo cafimadkaaga maskaxeed.
Dhagaysi wacan.
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Ixtiraamka Dadka Q-2aad
Use Left/Right to seek, Home/End to jump to start or end. Hold shift to jump forward or backward.
Maxaa ka dhiga dadka qaar dad ka hela dadka kale ixtiraam iyo qadarin? Ixtiraamka dadka kale aad ka heshaa ama aanad ka helini ma yahay mid si toosa ma u la xidhiidhaa kolba inta aad naftaada iyo dabeecadahaaga ka war qabtid? amaba kolba inta aad naftaada ixtiraamtid qadarisidna. Xalqada isbuucan waxaan kaga hadlayaa siduu qofku u dhisi karaa shakhsiyadiisa si uu u noqdo mid dadka iyo mujtamaca dhexdiisa uu u noqdo qof la ixtiraamo oo la qadariyo dhib badanna loola iman.
Dhagaysi wacan.
https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp