Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.
podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona.
Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena, si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay, nafteenuna raali ku tahay.
"Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
HORDHAC
Noloshuba waa safar ay hareero yihiin tijaabooyin, tijaabooyinkaas oo aynu leenahay doorashada aynu wax kaga baranayno iyo doorashada ah in aynu iska noolaano, oo aynu door-bidno in aynaan waxba uga fiirsanin wax-yaabaha qadarku inala kulminayo iyo wax-yaabaha sida joogtada ah inoo soo maraya wakhtiga noolaan-shiyaheena.
podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona.
waxa aan idiinku soo gudbin doonaa wax-kaste oo ka qayb qaatay in aan xaqiiqadayda noolaado, wax-kaste oo ii fududeeyay in aan duwanaan-shiyahayga hanto iyo wax-kaste oo ii sakhiray in aan la xidhiidho xikmada qalbigeyga iyo isla caalamka gudahayga.
waxa aynu si wada jir ah ugu dadaali doonaa in aynu ku noolaano nolol isku miisaaman dhanka jidhka iyo dhanka ruuxda si aynu u helno nabad gudeed, daganaanshiyo iyo nolol wixii mashaakil ah xalkeeda la raadiyo, intii laga meeraysan lahaa in xaqiiqada la wajaho.