Adeeg Wanaag
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
Adeeg Wanaag
Shaqaaleysiinta Dhallinyarada: Tayo-yarida Tacliinta Sare Miyaa Ka Qeyb Qaadanayso Shaqo La’aanta Dhallinyarada Muqdisho?
Soomaaliya oo leh mid kamid ah shucuubta ugu da’da yar adduunka ayaa haddana kala bar dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30-ka sano ay yihiin kuwo shaqo la’aan ah, kadib marka ay tacliinta sare dhammeystaan. Dhinaca kale, dalka waxa uu kasoo kabanayaa dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday oo saameeyay tayada tacliinta sare.
Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si kumeelgaar ah u dhistay Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare sanadkii 2019 si loo hagaajiyo tayada tacliinta sare. Hase ahaatee, guddigan ayaa weli ah mid aanay shaqadiisu miradhal ahayn marka loo eego heerka tayada tacliinta sare ee dalka ee hoos usii socota, halka heerka shaqo la’aanta dhallinyaradu ay sii kordheyso maalinba maalinta ka dambeysa.
Podcast-gan oo ay marti ku yihiin Maxamed Aadan, oo ah isku-duwaha doodaha iyo cilmibaare katirsan Somali Public agenda, iyo Farxaan Isaaq Yuusuf, oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda waxaa lagu falanqeynayaa xiriirka ka dhexeeya shaqo laáanta baahsan ee dhalinyarada tacliinta sare dhameysatay iyo tayada waxbarashada ay bixiyaan hay’adaha tacliinta sare ee Muqdisho.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!