Maamul Wanaag
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Episodes
47 episodes
Qaab-dhismeedka Nidaamka Federaalka & Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya
Hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya weli lama dhameystirin. Inkastoo la dhisay dhowr dowlad-goboleed muddadii u dhexeysay 2013 iyo 2016, haddana ka shaqeysiinta nidaamka federaalka waxa uu ku jiraa marxalad bilow ah. Arrimaha aanan weli c...
•
Season 1
•
Episode 47
•
42:33
Heshiiska Siyaasadeed ee Soomaaliya & Isbedellada Ku Dhici Kara Sanadka 2025
Ku dhawaad 25 sano kadib dhismidii Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti, geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowla...
•
Season 1
•
Episode 46
•
50:38
Heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya
Dhawaan Open Budget Survey (OBS) oo sameeya cilmibaaris madax-bannaan oo lagu baaro miisaaniyadaha dalalka, fursadaha ay qeybaha bulshada uga qeyb gaadan karaan miisaaniyadda xilliga la diyaarinayo, iyo kaalinta hay’adaha ka shaqeeya daahfurnaa...
•
Season 1
•
Episode 45
•
34:27
Geeddi-socodka Dowlad-dhiska Soomaaliya: Caqabadaha & Fursadaha
Dowlad-dhiska Soomaaliya marxalado kala duwan ayuu soo maray, balse marka la eego xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka, horumar ballaaran lagama sameynin. Maxaa Soomaaliya ka khaldan oo aan arrimaha siyaasadeed xal looga gaar...
•
Season 1
•
Episode 44
•
41:36
Hufnaanta & Isla Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda & Baaritaannada Xafiiska Hantidhowrka Guud
Dhawaan warbixinno la xiriira baaritaanno uu ku sameeyay 19 hay’ad dowladeed ayuu daabacay Xafiiska Hantidhowraha Guud. Warbixinnada waxaa ku jira natiijada khaladaad kala duwan oo lagu ogaaday baaritaannada oo ay sameeyeen xafiisyo kala duwan ...
•
Season 1
•
Episode 43
•
38:26
Dadaallada Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka: Caqabadaha iyo Fursadaha
Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2022, degmooyin & deegaanno intooda badan ku yaalla maamullada Galmudug & Hirshabelle ayaa soo galay gacanta dowladda. Dadka dega deeggaannadaas waxa ay dowladda u qorsheysay gaarsiinta adeegyada aasaasiga ...
•
Season 1
•
Episode 42
•
37:48
Kaalinta Xildhibaannada ee Xalinta Khilaafka u Dhexeeya Dowladda Federaalka & Puntland
Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2022, Madaxweynaha Puntland qeyb kama ahayn Madasha Wadatashiga Qaran & heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u noqday dib-u-eegista & wax-ka-beddelka dastuurka. 31 March 2024 Puntand waxa ay kasoo horjeesa...
•
Season 1
•
Episode 41
•
48:02
Casharrada Laga Baran Karo Doorashooyinkii Dowladaha Hoose ee Puntland
Waxaa dhawaan soo gabagaboobay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee Puntland oo soo bilowday sanadkii 2021. Markii ugu horreysay waxaa sanadkii 2021 si tijaabo ah looga qabtay doorashada goleyaasha deegaanka saddex degmo; waxaa xigay doorash...
•
Season 1
•
Episode 40
•
53:49
Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya
1-dii Janaayo ee sanadkan, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa is-afgarad la saxiixday Madaxweynaha Soomaaliland Muse Biixi Cabdi. Inkastoo aanan la faafin nuqulka is-afgaradka la saxiixay, waxaa ugu muhiimsanaa in uu dhigayay in Itoobiya...
•
Season 1
•
Episode 39
•
38:24
Sidee loo xallin karaa khilaafyada siyaasadeed ee Hirshabeelle?
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee...
•
Season 1
•
Episode 38
•
19:48
Geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya labo sano kadib
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ug...
•
Season 1
•
Episode 37
•
38:12
Gorfeyn Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee Sanadka 2024
Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2024 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah bishii Diseembar 2023. Miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2024 ayaa markii ugu horreysay gaartay $1 billion. Inkastoo halkudhigg...
•
Season 1
•
Episode 36
•
20:49
Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gabagabeeyay ka doodista 4 cutub oo kamid ah dastuurka oo loosoo gudbiyay 12-kii February. Baarlamaanka ayaa cutub kasta ka dooday dhowr maalmood. Cutubyadan ayaa wax-ka-beddel lagusoo sameeya...
•
Season 1
•
Episode 35
•
49:42
Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland
1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in...
•
Season 1
•
Episode 34
•
42:35
Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin?
Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaal...
•
Season 1
•
Episode 33
•
47:21
Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood
Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraa...
•
Season 1
•
Episode 32
•
37:02
Ballaarinta Ka-qeybgalka Siyaasadda Soomaaliya
Doorasho toos ah oo ay dadweynaha soo doortaan hoggaankooda heer federaal kama dhicin Soomaaliya. Kaa qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah noloshoodana saameynta weyn ku leh ayaa xaddidan.Dha...
•
Season 1
•
Episode 31
•
43:07
Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya ee 2060
37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka ...
•
Season 1
•
Episode 30
•
34:44
Puntland 25 sano kadib
1-dii August 1998 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Puntland. Waxaa u buuxsantay 25 sano. Marxalado kala duwan ayay soo martay Puntland 25-taas sano oo ay shaqeyneysay. Sanadkii 2021 markii ugu horreysay ayay doorashooyin heer degmo ah oo ...
•
Season 1
•
Episode 29
•
40:10
Sare-u-qaadista Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo Maamul Wanaagga Hay’adaha Dowladda Soomaaliya
Dadaallo la xiriira la dagaallanka musuq maasuqa ayaa ka billowday Soomaaliya. Markii ugu horreysay baaritaanno fatash ah oo lagu sameeyay howlwadeenno katirsan dowladda ayaa bulshada lala wadaagay. Xubno katirsan dadka baaritaannada lagu samee...
•
Season 1
•
Episode 28
•
19:20
Dib-u-habeynta Hay’adaha Dowladda Colaadaha Kadib
Tan iyo burburkii dowladdii militariga sanadkii 1991, dowladnimada Soomaaliya geeddi-socod dheer ayay soo martay. 23 sano kadib markii dowladdii kumeelgaarka ah ee ugu horreysay lagu dhisay Djibouti, weli hay’adaha dowladda waa kuwo nugul, oo a...
•
Season 1
•
Episode 27
•
38:17
Heshiiska Siyaasadeed ee Jubaland
Tan iyo markii la yegleelay Jubaland, khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado amni ayuu maamulka wajahayay. Muddo xileedka madaxweynaha ayaa hadda khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay. Howlgallo amni oo la qorsheynayo in ay ka billowdaan deegaannad...
•
Season 1
•
Episode 26
•
26:16
Falanqeyn Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee Baydhabo
Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa guddi farsamo u saaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Xubnaha guddiga farsamo ayaa kulmay intii u dhexeysay 16 iyo 18 Janaayo 2023, waxa ayna dib-u-...
•
Season 1
•
Episode 25
•
57:19
Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya
Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan...
•
Season 1
•
Episode 24
•
23:03
Heshiiska Siyaasadeed ee Hirshabeelle
Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirahabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar.Jowhar waxa ay...
•
Season 1
•
Episode 23
•
18:38